Wararka

Maxkamada CQS ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku riday nin lagu eedeeyey inuu ka mid ahaa…


Maxkamada Ciidamada Qalabka Sidda ee Jubbaland ayaa xukun dil ah ku ridey Deeqow Caliyow Kuusow oo 19 jir ah lagu eedeeyay in uu ka mid ahaa Al-Shabaabkii weerarka ku qaaday Hotelka Cascasey ee magaalada Kismaayo 12 kii July sanadkii hore.

Dhageysiga kiisaskaan oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta maxkamada ay soo saartay xukun dil toogasho ah oo lagy riday Deeqow Caliyow oo magaciisa afgarashadu yahay Muhaajir sida uu ku dhawaaqay Bashiir Maxamuud Xareed garsooraha 1aad ee maxkamada.

Weerarkii Hotel Cascasey ee Magaalada Kismaayo waxaa ku dhintay dad badan oo ay ka mid ahaayeen Hodan Naleye & Saygeeda oo Hotelka ku sugnaa xilliga weerarka dhacaayay iyo dadweyne kale.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in halkaasi ay ku dileen ku dhawaad 20 ruux.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: