Wararka

Natiijada Baaritaan labaad ee lagu sameeyey maydka AUN Cali Khaliif ayaa lagu ogaaday inuu…


Baaritaankii labaad oo lagu sameeyay maydkii AUN Cali Khaliif Galaydh, ka hor inta aan la aasin ayaa la shaaciyay inuu qabay cudurka Covdi-19, taasoo meesha ka saartay shaki horey loo qabay.

Maryam Cabdi Biixi oo ahayd xaaska Cali Khaliif iyo madax dhaqameedyo uu kamid yahay garaadka guud ee beelaha SSC, ayaa sheegay in ay ku qanceen najiitada baaritaanka, kadib markii ay horey u dalbadeen in baaritaan labaad la marsiiyo.

Qoyska Marxuumka ayaa dalbaday in la joojiyo wararka ay ku tilmaameen been abuurka oo sheegaya in marxuunku uu u geeriyooday sabab kale.

Cali Khaliif ayaa sideedii bishaan ku geeriyooday magaalada Jigjiga, geeridiisa oo lama filaan ahayd ayaa keentay shaki weyn oo ku saabsan in la sumeeyay.

Marxuumka ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo eheladiisu codsadeen in lagu aaso.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: