Wararka

Xiddiga kubbada cagta ee Portugal Cristiano Ronaldo ayaa laga helay cudurka coronavirus…


Xiddiga kubbada cagta ee Portugal iyo Juventus Cristiano Ronaldo ayaa Talaadada maanta laga helay cudurka coronavirus, sidaasi waxaa cadeeyey xiriirka kubbada cagta ee Portugal.

War ay soo saareen xiriirka kubbada cagta ee Portugal ayey ku sheegeen in 35 jirka ka ciyaara weerarka Ronaldo (uu fiican yahay, wax calaamada ah weli kama soo muuqan, laakin waa la karantiilay).

Sidaasi awgeed Ronaldo ma ciyaari doono ciyaarta qarankiisa la yeelanayo Sweden maalinta Arbacada.

Xiddiga Juventus ayaa ciyaaray 167 ciyaaro dowli ah, wuxuuna u dhaliyey Portugal 101 goal.

Ronaldo ayaa dalkiisa ka saaciday inay hantaan koobka UEFA EURO 2016 ee lagu qabtay France.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: