Wararka

AUN jilaagii weynaa ee reer Masar Maxamuud Yaasiin ayaa geeriyooday saaka isagoo ahaa 79 jir…


Jilaagii weynaa ee reer Masar Maxamuud Yaasiin ayaa saaka oo Arbaca ah subaxnimadii hore geeriyooday, isagoo jira 79.

Amr Maxmuud Yaasiin, oo ah wiilka fanaanka geeriyooday, ayaa ku shaaciyay geerida aabihiis boggiisa gaarka ah ee barta xiriirka bulshada ee Facebook, isagoo ka codsaday taageerayaashiisa inay u soo duceeyaan.

Maxamuud Yaasiin wuxuu taariikh dheer ku leeyahay shineemooyinka, tiyaatarka, telefishanka iyo raadiyaha Masar.

Yaasiin wuxuu ku dhashay magaalada Port Saciid ee bariga dalka, sanadkii 1941, wuxuuna ka qalin jabiyay kuliyada sharciga sanadkii 1964 wuxuuna qareen ahaan u shaqeeyay mudo kooban ka hor inta uusan noqon xirfadle dhinaca jilitaanka.

Waxyaabaha ​​ugu caansanaa ee lagu xasuusanayo ayaa waxaa ka mid ahaa Filimadii Ninkii waayey Hooskiisii ​​1968 (الرجل الذي فقد ظله), Wax Cabsi ah oo dhacay 1969 (وشيء من الخوف), Anaga ma beerno qodxan sanadkii 1970 (ونحن لا نزرع الشوك), Sanka iyo Saddexda Indhood 1972 (وانف وثلاث عيون), Dareenka iyo Jirka 1972 (والعاطفة والجسد), rasaastana wali jeebkeyga ayey ku jirtaa 1974 (والرصاصة لا تزال في جيبي).

Waxa kale oo uu soo bandhigay taxane diini ah iyo taxane taariikhi ah oo laga sii daayay raadiyaha iyo telefishanka.

Ku xirnaanshaha Yaasiin ee masraxa wuxuu soo bilaabmay markii uu dhiganayay dugsiga dhexe wuxuuna ku hamiyay inuu gaaro masraxa qaranka.

Waxaana u rumowday riyadiisii ​​ahayd inuu soo bandhigo shaqooyin badan oo masraxa ah oo riwaayado guuleystay oo lagu qabtay masraxa qaranka iyo tiyaataro kale.

Yaasiin wuxuu kaloo caan ku ahaa doorka jilida aflaamta jaceylka ee shineemooyinka Masar, wuxuuna qaar ka mid ah la soo bandhigay fanaanada caanka ah Naglaa Fathy.

Mid ka mid ah filimadiisii ​​ugu caansanaa wuxuu ahaa The Bullet Still in My Pocket, oo ka sheekeynaysa dhinac ka mid ah guushii Masar ee Dagaalkii Oktoobar ee 1973.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: