Wararka

Haweeneydii ugu horeysay oo Muslim ah oo xijaaban oo duq ka noqota xaafad ka mid ah London ayaa…


Siyaasiyada Ingriiska, Raqqia Ismail, oo asal ahaan ka soo jeeda Somalia ayaa waxay ku guuleysatay in magaceeda lagu qoro in ay noqoto Duqii ugu horeeyey ee xijaaban taariikhda Boqortooyada Midowday, iyadoo soo bandhigtay tusaale sharaf u ah guusha haweenka Muslimiinta ah ee Ingiriiska, waxayna ka dhigtay tusaalaha Ingiriiska sawir dhalaalaya sida ay ula macaamilaan dadka soogalootiga ah, iyo is dhexgalka wanaagsan ee ay la leeyihiin mujtamacyada kale, iyo gaarista jagooyinka rasmi ah oo sare.

Si kastaba ha noqotee, sheekadan dhiirrigelinta mudan ma sii socon muddo dheer, maxaa yeelay waxay ku dhacday derbiyo sal adag leh oo la xiriira dhaqanka siyaasadeed ee ay Raqqia Ismaaciil ku tilmaamtay “xukunka ninka caddaanka ah”, taas oo ku kalliftay inay iska casisho xilkeeda, iyadoo ka mudaaharaadeysa waxa ay ugu yeertay faquuqida saameysay iyada oo weliba gaartay guulo siyaaadeed iyo kuwa bulsho ee deegaanka ay matasho ee Islington ee magaalada London.

Iscasilaada Raqqia Ismail waxay dib u soo celisay arrinta cunsuriyada dhanka siyaasada, waxayna naxdin ku reebtay Muslimiinta laga tirada badanyahay ee Britain, waxaa jira kuwa aaminsan in is casilaadan ay baraarujin u noqon karto in ay jiraan jid gooyo badan oo lagu faquuqayo haweenka Muslimka ah.

Waxay sheegtay in golaha deegaanka ay caqabad ku ahaayeen shaqadeeda, waxaa la joojiyey mucaawinada dadka aan matalo sababo la xiriira Islamophobia, waxaan kaloo dareemay inay jirtay dareen naceyb leh oo aad u badanayey oo xageyga ah, waayo ka Muslim ahaan, qaar ka mid ah saaxiibadeyda shaqada waxay hor istaageen inaan abaabulo howlo rasmi ah, taasi oo igu riday murugo iyo farxad la’aan. Sidaasi ayey tiri.

Hadalkeeda ayey sii wadatay Waxaa la iga mamnuucay xisaabaadka golaha, waxaana la kulmay ciriiri, waayo waxaan dalbanayey oo keliya xuquuqda dadka aan matalo, waxaan soo bandhigay mashaariic fara badan oo dadka caawinaya.

Waxaan dareemayaa murugo qoto dheer sababtoo ah waxaan doonayay inaan shaqeeyo oo dadka caawiyo, laakiin waa la i bartilmaameedsaday, codkeyga lama maqlayo, shaqadayda lama siinayo xaqeeda, mana ka helin wax qadarin ah ama tixgelin ah xitaa xisbiga aan ka tirsanahay. sidaasi ayey tiri.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: