Wararka

Maanta oo kale waxaa la xusayaa qaraxii gilgilay isgoyska Zoobe oo dadka badan ay ku dhinteen…


Maanta oo kale saddex sano ka hor waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacay qaraxii weynaa ee gilgilay Isgoyska Zoobe (14-kii October 2017), ayna ku dhinteen boqolaal qof oo rayid ah.

Nin la socday gaari nooca xamuulka ee (TM-ka) loo yaqaano, lagana soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay Isgoyska Zoobe, xilli laamaha ammaanka la sheegay inay gaarigaasi ku daba jooggeen.

Jugtii xooganeyd ee qaraxaasi ayaa laga maqlay xaafadaha Magaalada Muqdisho, iyadoo bulshada Soomaaliyeed si weyn u xusuusan tahay wixii maalintaa dhacay.

Ka dib markii uu soo baxay warka sheegaya in qaraxaasi ku dhinteen dhawr boqol oo qof, dad kaloo fara-badana ay ku dhaawacmeen ayay dadweynaha reer Muqdisho bilaabeen inay buux-dhaafshaan goobaha caafimaadka, si ay dhiigoodu ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay qaraxaasi, iyagoo markaasi ka jawaabaya baaqii ahaa in dhiig loo baahan yahay.

Marka laga soo taggo boqolaalka qof ee qaraxaasi ku dhintay, waxaa kaloo jiray dhismooyin ganacsi oo ku burburay, iyadoo dad hantiileyaal ahaa ay maanta qaarkood ka fara-maran yihiin.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi, balse Dowladda Federaalka ayaa ku eedeysay Ururka Al Shabaab, oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladnimada Somaliya iyo jooggitaanka dalka ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika.

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo laba bilood ka hor qaraxaasi isu soo dhiibay Dowladda Federaalka ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in qaraxaasi ay gaysteen Shabaabka.

Qaraxan ayaa loo aqoonsaday inuu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca dalka, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, marka aad eegto boqolaalka qof ee mar qura ku dhintay hal qarax oo keliya.

Warbaahinta Caalamka ayaa ku warantay in qaraxan uu noqonayo kiisii ugu weynaa, ee ay dunida ka gaystaan kooxaha jihaadiyiinta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11771 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: