Wararka

Dowladda Thailand ayaa ku soo rogtay amar deg deg ah dibadbaxayaasha ka soo horjeeda Boqorka…


Dowladda Thailand ayaa Khamiista maanta ah mamnuucday dibadbaxyada iyo faafinta hadallada xasaasiga ah, xilli ay sii kordhayaan dibadbaxyo lagu bartilmaameedsanayo Boqorka Thailand, Boqor Maha Vajiralongkorn iyo Ra’isulwasaare Prayuth Chan’ocha.

Amar deg deg ah oo ay dowladda soo rogtay ayaa bartilmaameedsanaya dibadbaxyaasha si nabadda ah u bannaanbaxaya, kuwaasoo intooda badani ay hadda ku suganyihiin bannaanka xafiiska Ra’isul wasaaraha. Amarka ayaa dhigaya in aysan hal meel isugu iman karin wax ka badan shan qofood.

Bannaanbaxyada ka socdo Thailand ayaa lagu dalbanayaa in xukuumadda ay dhacdo iyo in wax laga badalo dastuurka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: