Wararka

Trump oo carro kula dul dhacay shirkadaha Facebook iyo Twitter kadib markii ay xayireen qoraal…


Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa carro kula dul-dhacay shirkadaha baraha bulshada ee Facebook iyo Twitter kadib markii ay xayireen qoraal uu ku qeybiyay barahaasi oo uu ku dacaayadeynayay ninka loollanka doorashada kula jira ee Joe Biden.

Qoraalkan oo ahaa linkiga warbixin lagu daabacay jariiradda New York Post, oo aan caddeymo adag loo hayn ayaa waxaa lagu sheegay in wiil uu dhalay musharrax Biden oo lagu magacaabo Hunter uu aabihiis baray ganacsade kasoo jeeda dalka Ukraine xilligii uu Biden ahaa madaxweyne ku xigeenka Mareykanka.

Ujeedka kulanka ayaa warbixinta lagu sheegay in looga gol-lahaa sidii uu Hunter fursado ganacsi uga heli lahaa dalkaasi, isagoona xilligaasi xil sare ka hayay shirkad Ukraine ah oo lagu magacaabo Burisma.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in Biden oo marwalba maanka ku hayay xilligaasi in uu u faa’iideeyo wiilkiisa, isagoona u fududeynayay tallaabo kasta oo ka gasha Ukraine.

Biden ayaa gaashaanka u daruuray, iskana diidey eedeynta warbixintaasi, waxaana uu sheegay in ay tahay been-abuur lasoo dhoo-dhoobay.

Shirkadaha Facebook iyo Twitter ayaa sheegay in ay sii xannibnaan doonaan qoraalladaasi lagu faafinayo warbixintan tan iyo inta “laga soo caddeynayo” sax ahaanteeda.

Ma ahan markii ugu hooreysay oo Trump ay isku dhacaan shirkadahan baraha bulshada oo uu aad u adeegsado, waxaana dhowr jeer oo hore laga xannibay qoraallo noocaan oo kale ah oo uu ku “marin-habaabinayo” bulshada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: