Wararka

Wakiilada QM, Midowga Yurub, Midowga Africa iyo IGAD ayaa Baydhabo kula kulmay madaxda…


Wafdi uu hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ayna ka mid ahaayeen Wakiilada EU Nicolas Berlanga, Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Wafdigan waxa ay la kulmeen Madaxweynaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada & Taliya Qeybta 60aad CXDS iyagoo ka wadahadalay Arrimaha Doorashooyinka, Xiriirka Dowlada Federaalka iyo Dowlada Koonfur Galbeed, Xoojinta Amniga Xiliga kala guurka, Arimaha Gargaarka iyo ka hortaga Cudurka Covid-19.

Wakiilada ka kala Socday Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey Doorka Madaxweyne Cabdicasiis lafta gareen ku lahaa qabsoomida Shirkii looga hadlayey Arimha Doorashooyinka ee udhaxeyey Madaxda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee sideedii September 2020 heshiis loo dhan yahay laga gaaray.

“Waxaan bogaadinayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen doorka Wanaagsan ee uu ku lahaa Markii ay kulmeen Madaxda Dowlad Goboledyada Iyo DFS iyo kulamadooda wixii Kasoo baxay hanaanka Doorasho ee Waqtigeeda ku saleeyan” ayuu yir James Swan.

“Waxaana Qiyaaseynaa doorka uu ku lahaa Dhamaan Heerarka kala duwanaa ee loo soo maray in Shir loo dhanyahay oona looga heshiinayo Arimaha Doorashooyinka Soomaaliya” ayaa la raaciyay qoraalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa sheegay kulanka uu la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka inuu ahaa mid looga hadlayey Dardargelinta Heshiisyadii Muqdisho lagu so gebigebeyey ee ahaa Arimaha Doorashooyinka sidii Waqtigeeda u qabsoomi lahayd.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11839 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: