Wararka

Macallim taariikhda ka dhiga Iskuul ku yaalo nawaaxiga Paris ayaa maanta la dilay…


Macallim taariikhda ka dhiga iskuul ku yaallo Paris ayaa u soo bandhigay caruur uu wax barayey kartoono laga sameeyey Nabi Mohammed NNKH, waxaana la sheegay in madaxa looga jaray meel u dhow Iskuulka ee agagaarka Paris maanta oo Jimco ah, waxaa la sheegayaa in dilkaasi uu ka dambeeyey qof lagu tuhmayo argagixisnimo oo ku qaylinayey Allahu Akbar, sidaasi Booliska ayaa sheegay.

Dadka aagaasi deggen ayaa ku wargeliyey booliska, kadibna waxaa fooda is daray booliska iyo nin ku hubeysnaa mindi iyo qori, waxaa loo sheegay inuu dhigo hubka oo is dhiibo, wuu diiday halkaasna waa lagu dilay.

Wax yar ka dib booliska waxay heleen meydka macallimka.

Waxaa loo yeeray ciidanka baara waxyaabaha qarxa si ay u hubiyaan inuu xiran yahay suunka qarxa.

Goobjoogayaal ayaa booliska u sheegay inay maqleen dhawaaqa Allahu Akbar.

Macallimka ayaa la kulmay hanjabaad dhimasho ah markii uu siiyey fasalka cashar ka hadlayey xorriyada hadalka, waqtigaasi oo uu soo bandhigay kartoonka la isku khilaafsan yahay, qofka dilka geystay ayaa la sheegayaa inuu jiray 18 sano oo ka soo jeeda Chechen.

Dilkaasi arxan darada ahaa ayaa dharaar cad lagu fuliyey wadada marta dibada iskuulka, oo la yiraahdo Conflans-Sainte-Honorine oo ku yaala waqooyi galbeed ee Paris, macallimka ayaa magaciisa saxaafada fransiiska ku sheegtay Samuel P.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11840 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: