Wararka

Madxweyne Farmaajo ayaa bogaadiyey taageerada militari ee uu Mareykanka siiyo Somalia…


Madaxweynaya Dowladda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay taageerada milatari ee uu Maraykanku siiyo dowladdiisa, taasoo uu sheegay inay ka caawinayso dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

Hadalkaan ayaa u muuqda mid madaxweyne Farmaajo uu kaga falcelinayo dareenka ku saabsan joogitaanka ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya, kadib markii madaxweyne Trump uu sheegay in ciidamadiisa uu kala soo baxayo Soomaaliya.

“Taageerada milatari ee Mareykanku siiyo Soomaaliya waxay noo suurta gelisay inaan si hufan ula dagaallano Al-Shabab una sugno amniga Geeska Afrika”. ayuu yidhi madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Trump ayaa afar sano ka hor ololihiisii doorashada ku ballanqaaday inuu ciidamada Maraykanka dib ugu soo celinayo dalkooda, balse taasi ma dhicin, in lasii kordhiyo mooyee.

Trump aya mar kale ololihiisa doorashada ku galaya inuu fulinayo ballanqaadkiisii hore xilli ay doorashadu ka dhiman tahay muddo saddex todobaad kayar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11861 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: