Wararka

Xiriirka Kubada Cagta Adduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah u aqoonsatay garoonka Mogadishu Stadium…


Xiriirka kubada cagta Adduunka ee FIFA ayaa si rasmi ah ugu aqoonsaday garoonka Mogadishu Stadium inuu yahay garoon caalami ah oo tartamada waaweyn lagu qaban karo.

FIFA ayaa bixisay shahaado rasmi ah oo cadeyneysa in garoonku uu dhinac walba ka dhamaystiran yahay laguna ciyaari karo tartamo heer caalami ah.

Aqoonsiga FIFA ee garoonka Mogadishu Stadium ayaa imanaya kadib markii bilo yar kadib dib u dhis cusub lagu sameeyay loona dhisay qaab heer sare ah.

Laga bilaabo aqoonsigan kadib waxaa xulka qaranka kubbada cagta ee Soomaaliya uu ku ciyaari karaa garoonkan iyadoo markii hore xulku uu tartamada gurigiisa ku ciyaari jirey dalka Jabuuti.

Inkastoo FIFA garoonka qaab dhismeedkeeda aqoonsatay ayaa hase ahaatee waxaa ku gadaaman garoonka cabsi dhinaca ammaanka ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: