Wararka

Ciidanka Nabad Suggida ayaa la sheegay in ay xabsiga u taxaabeen Xaaji Abuukar Cumar Caddaan…


Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidanka Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ay xabsiga u taxaabeen Xaaji Abuukar Cumar Caddaan.

Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ka mid ah ganacsatada Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in xalay laga soo xiray hoyga uu ka deggan yahay Caasimadda Muqdisho.

Ehelada Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa waxay xaqiijiyeen xarigiisa, iyagoo aan garanayn sababta loo xiray.

Wareysi uu Xaaji Abuukar Cumar Caddaan siiyay Radio Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayuu ku sheegay inuu taageersan yahay dagaalka Al Shabaab ka waddo dalka, isla-markaana uu doonayo in la laayo diblomaasiyiinta shisheeye ee deggan Xarunta Xalane.

Bishii hore ee September ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu xiray ganacsato uu ka mid ahaa Maxamuud Cumar Caddaan, oo la dhashay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan. Tallaabada lagu xiray waxay ka dambeysay, markii lagu eedeeyay inay u garsoor doonteen Maxkamadaha Al Shabaab.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: