Wararka

Mashruuc lagu dhisayo biyo xireeno iyo dayactirka kanaalada ee Wabiga Shabelle oo la saxiixay…


Mashruuc isugu jira dhisme biyo xireen, dayactirka Jiinka iyo kanaalada Wabiga, si loo yareeyo khatarta fatahaadaha ee Wabiga Shabelle ku sameeyo magaalada Beledweyne iyo beeraleyda ku xeeran ayaa la saxiixay.

Saxiixa heshiiskan oo uu goobjoog ka ahaa siihayaha R/Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa Dowladda Soomaaliya u siixay siihayaha Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, halka Dowladda Talyaanigana u saxiixay Safiirkooda Alberto Vecchi iyo Madaxa Hay’adda horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxaya lix Milyan oo euro, waxuna isugu jiraa saddex qeybood oo kala ah, dhismaha biyo-xireeno, dayactirka kanaalada iyo tayeynta hay’adaha qaabilsan fatahaadaha.

Siihayaha Wasiirka Beeraha ayaa sheegay mashruucani in uu yahay mid ahmiyad weyn u leh deegaannada uu maro Wabiga Shabelle oo geysta fatahaado sababa dhimasho iyo burbur hantiyeed, isagoo uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga taageeradeeda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11777 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: