Wararka

Nin horey u dilay hooyadiis ayaa lagu fuliyey dil qisaas ah magaalada Garowe ee G/Nugaal…


Waxaa maanta magaalada Garowe ka dhacay xukun qisaas ah oo lagu fuliyay Faarax Cabdi Maxamed oo horey u dilay hooyadiis, sida uu sheegay xeer ilaaliye ku xigeenka Puntland Maxamed Xareed Faarax.

Dilkiisa waxaa fuliyay Caawin Cabdi Maxamed oo walaal la ah qofka xukunka lagu fuliyey, isagoo sheegay in qoyskooda oo ka kooban 7 qof isku raaceen in loo qisaaso gacan ku dhiiglaha.

Caawin wuxuu sheegay sababta uu walaalkiis u toogtay in ay tahay sidii ay bulshada cashar uga baran lahayd islamarkaana qof kasta oo dila hooyadiis la marsiiyo dariiq lamid ah midkan.

Marxuumka ayaa bishii June ee sanadkan hooyadiis ku dilay tuulada Jalam oo Garowe kaga beegan dhinaca koonfureed. Laamaha amniga ayaa gacanta kusoo dhigay, waxaana kadib lagu xukumay dil.

Ma sheegin sababta uu u dilay hooyadiis, balse qoyskiisa waxay sheegeen inuu isticmaali jiray maandooriyaha.

Qisaasta caynkaan oo kale ah ayaa aad ugu yar gudaha Soomaaliya, waxaana jira dad waalidiintood dilay oo aan lagu fulin xukun qisaas ah.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11803 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: