Wararka

Qaramada Midoobay oo dib u bilowday Daadgureynta muhaajiriinta ku xaniban dalka Libya…


Duulimaadyada Qaramada Midoobay ee daadgureynta muhaajiriinta ku xayiran Liibiya ayaa dib loo bilaabay ka dib markii loo hakiyay sababo la xiriira safmarka Covid19, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga ee Qaramada Midoobay.

In ka badan 150 qof oo ka kala yimid Eriteriya, Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, oo ay ku jiraan 15 carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay 18 sano jir, ayaa u duulay Niger goor dambe oo Khamiistii ahayd halkaasoo ay hadda ku jiraan karantiil, sida ay sheegtay UNHCR.

UNHCR iyo hay’adda socdaalka ee UN-ka iyo IOM labaduba waxay ku baaqeen in Liibiya, oo ay ragaadiyeen sanado badan dagaallo iyo fowdo, in loo aqoonsado inay tahay goob khatar ku ah nabad galyada muhaajiriinta.

Afhayeenka UNHCR ayaa ku sheegay warbixintiisa todobaadlaha ah in ku dhowaad dhamaan muhaajiriinta la daad gureeyay khamiistii ay la kulmeen tacadiyo aan loo meel dayin intii ay ku sugnaayeen Libya.

In ka badan 3,400 oo muhaajiriin ah iyo magangalyo-doon ah ayaa wali ku jira xarumaha dadka lagu hayo ee khatarta ugu jira xadgudubyada, sida uu sheegay afhayeenku.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11803 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: