Wararka

Armenia oo Azerbaijan ku eedeysay in ay jebisay xabad joojintii labaad ee looga dhawaaqay…


Saacado uun kadib markii xabbad joojin looga dhawaaqay gobolka Nagorno Karabakh ee ay ku dagaallamayaan waddaamda Armenia iyo Azerbaijan ayaa waxaa markiiba soo baxay eedeymo ah in Azerbaijan ay heshiiskaasi jebisay oo hub artilari ah iyo sawaariikh kale ku garaacday dhanka Armenia.

Dowladda Armenia ayaa Azerbijian ku eedeysay in heshiiskaasi ay jebisay.

Boqolaal qof ayaa ku dhintay dagaal socday muddo saddex toddobaad, iyadoo labada dhinac ay ku dagaallamayaan gacan ku haynta gobolka caalamku uu u aqoonsan yahay in uu ka tirsan yahay Azerbijian balse Armenia ay sheegato.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowladda Azerbaijan oo ku saabsan eedeynta Armenia ee ah in xabbad joojintii lagu heshiiyay la jebiyay gaar ahaan dhanka Azerbaijan.

Balse farriin uu xoghayaha wasaaradda gaashaandhigga Armenia uu soo dhigay Twitter-ka ayaa lagu sheegay in ay jiraan duqeymo iyo sawaariikh lagu garaacay woqooyiga iyo koonfurta Armenia.

Waa heshiiskii labaad oo xabbad joojin ah oo labada dhinac ay kala saxiixdaan muddo toddobaad ah, waxaana ujeedada xabbad joojintani ay ahayd in meydadka iyo maxaabiista la isu celiyo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12194 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: