Wararka

Guddiga Xaqiiqo raadinta ee Baarlamaanka ayaa u yeeray mas’uuliyiinta Wasaarada Waxbarashada…


Guddiga xaqiiqo raadinta Barlamaanka Soomaaliya ayaa u yeeray sii hayaha Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Cabdullahai Goodax Barre, agaasimihiisa guud iyo agaasimaha imtixaanaadka.

Qoraal kooban oo loo diray mas’uuliyiintaan ayaa lagu sheegay in gudidgu wax ka weydiin doono natiijada imtixaankii shahaadiga ee Dowladda Federalku qaaday sanadkaan, kaasoo dood badan ay ka dhalatay natiijada kasoo baxday ku dhawaaqidiisa.

Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ayaa dhalleecayn xoogan kala kulantay markii kumanaan arday sanadkan ay ku dhaceen imtixaankii shahaadiga, iyadoo 90% ardayas ka socdeen gobolka Banaadir.

Barlamaanka Soomaaliya oo ka jawaabayay dareenka ka dhashay arrintan ayaa magacaabay guddi xaqiiqo raadineed oo warbixin kasoo diyaariya sababta keentay in tiro intaas le’eg oo arday ah imtixaanka ku dhacaan.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: