Wararka

Taageerayaasha Iran ee Hashd al-Shacbi ee Iraq ayaa dab qabadsiiyey xafiisyada Xisbiga Kurdiyiinta…


Taageerayaasha xoogagga ay taageerto Iran ee Hashd al-Shaabi ee Iraq ayaa dab qabadsiiyay Sabtidii, xafiisyada xisbiga Dimoqoraadiga Kurdiyiinta ee magaalada Baghdad.

Banaanbaxayaasha caasimadda Iraq ayaa ka carooday hadal horraanta bishan kasoo yeeray sarkaal ka tirsan xisbiga KDP ee Hoshyar Zebari ahaana wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, kaas oo yiri dowladda waa in maleeshiyada kooxda Hashd al-Shaabi, ay ka nadiifisaa aagga cagaaran ee Baghdad,

Wuxuu tilmaamay in howl muhiima tahay, in kooxdaasi magaalada laga saaro, maadaama meel sharciga ka baxsan ay ku shaqeynayeen sida uu hadalka u dhigay.

Waaxda arrimaha dibadda ee Maraykaknka ayaa war qoraal ah kasoo saartay, weerarkii kooxda caanka ah ee Hashd al-Shaabi,ay ku qaadday xafiisyada xisbiga KDP u sheegtay, in awoodda xorriyad u hadalka iyo doodaha ay udub dhexaad u yihiin dimoqoraadiyadda, xisbiyada siyaasadeedna ay tahay inay awood u yeeshaan inay qabtaan doodo adag iyagoo aan ka baqeynin maleeshiyaadka iyo dambiilayaasha.

Afhayeenka ayaa sheegay in dhamaan xisbiyada ay ku boorrinayaan inay u dhaqmaan si mas’uuliyad ay ku dheehan tahay inta lagu jiro xaaladdadan adag, xilli Iraq ay horayba ula daalaa dhacaysay masiibada ka dhalatay qalqalka dhaqaale iyo halista sii socota ee kaga imaanaysa kooxda ISIS.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11789 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: