Wararka

Wariyihii wareystay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ayaa lagu xiray magaalada Mogadishu..


Ciidanka Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku xiray Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo ka hawlgala Radio Kulmiye.

Xariga Wariyaha ayaa ka dambeeyay, ka dib markii uu wareysi xasaasi ah la yeeshay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, oo ka mid ah ganacsatada Gobolka Banaadir.

Sida laga soo xigtay laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka waxaa Wariyaha loo haystaa inuu faafiyay war liddi ku ah amniga dalka.

Ciidanka NISA ayaa sidoo kale habeen hore Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ku xiray Magaalada Muqdisho, iyadoona saacado ka dib loo wareejiyay xabsi guri, ay ku ilaalinayaan ciidan gaar ah.

Wareysiga Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo horudhaciisa la sii daayay Sabtidii ayuu ku sheegay inuu taageersan yahay dagaalka Al Shabaab, isla-markaana uu doonayo in la laayo shisheeyaha degan Xarunta Xalane.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaan si daahfuran uga hadlin tallaabada xoriyadda looga qaaday Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo 80 jir naafo ah, marka laga soo taggo wareysiga xasaasiga ah ee uu bixyay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (11841 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: