Wararka

AUN Fanaanadii caanka aheyd ee Seynab Xaaji Cali Baxsan ayaa ku geeriyootay magaalada…


Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay maanta fanaanadii caanka ahayd Seynab Xaaji Cali Baxsan oo sanadihii la soo dhaafay xanuunsanaysay.

Seynab Xaaji Cali Baxsan ayaa ka mid ahayd fanaaniintii faro ku tiriska ahaa ee aan ka bixin magaalada Muqdisho tan iyo burburkii dowladii hore ee Siyaad Barre.

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta Dowlada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xaqiijiyay geerida marxuumada Seynab Xaaji Cali Baxsan.

Sanadkan aynu ku jirno ayaa waxaa dhintey fanaaniin ay ka mid ahaayeen Cumar Cabdulle Shooli, Cabdi Tahliil Warsame, Daa’uud Cali Masxaf iyo qaar kale.

Waxay Seynab ku caan baxday heesaha wadaniga ahaa oo qofkii dhageysta dhiiggiisa dhaqaajinaya. Allaha u Naxariisto.انا لله وانا اليه راجعون

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: