Wararka

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyey warar la xiriira afduub loo geysanayo caruurta ku nool…


Waxaa ku soo kordhaya magaalada Muqdisho wararka la xiriira afduubka loo geysanayo carruurta ku nool Muqdisho.

Cabsidan ayaa waxaa sii xoogeeyay kadib markii baraha bulshada lagu soo daabacay afduubka carruurta gaar ahaan gabdhaha.

Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday warar sheegaya in magaalada Muqdisho laga afduubtay gabar 16 jir ah lana la’aa illaa maanta.

Hase yeeshee waxaa soo baxay warar sheegaya in gabadha oo magaceeda lagu sheegay Hibo Maxamed Xasan laga helay magaalada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Guriceel ayaa sheegay in gabadhan ay la socotay gaari ka soo tegey Muqdisho ayna baaritaan ku sameynayaan.

Lama oga sida ay ku dhacday in gaari shalay ka tegey magaalada Muqdisho uu ku gaaray magaalada Guriceel oo masaafo dheer u dhaxeysa caasimada, waddooyinkuna yihiin kuwo burbursan meelaha qaarna ay roobab ka da’een.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada qabsaday gabar laga afduubtay degmada Howlwadaag taasoo markii dambe sheegtay inay ka soo baxsatay.

“Sanka ayaa wax la ii mariyay waana miyirdoorsoomay baabuur ay haweeney wado ayaa la i saaraay laakiin gaariga ayaa cillad ka gashay kadibna waan ka soo cararay.”ayay tiri gabadha oo sheegtay inay ka soo baxsatay kooxdii afduubatay.

Si kasta ha ahaatee laamaha amniga ayaan weli ka hadlin wararkan la xiriira afduubka ku soo badanaya magaalada Muqdisho.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12168 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: