Wararka

Boqorka Sacuudiga ayaa soo saaray amaro isdaba joog ah oo dib loogu habeynayo Golaha Culimada…


Boqorka Sacuudi Carabiya, Salmaan Bin C / casiis, ayaa wuxuu soo saaray amaro isdaba joog ah Axadii, oo ay ka mid yihiin dib u habeyn lagu sameynayo Golaha Culimada ee ugu weyn dalka ee uu madaxda ka yahay Sheikh Abdulaziz Al Sheikh iyo xubnaha ka tirsan golahaasi oo 20ka ah kana tirsan culimada diinta ee dalkaasi.

Amarada boqortooyada ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa dib u habeynta Golaha Shuurada ee uu madaxda ka yahay Sheikh Dr. Abdullah Al-Sheikh, oo ka kooban 150 xubnood, oo waajibaadkoodu yahay 4 sano.

Amaradaas waxaa ka mid ahaa magacaabista Sheikh Ghaheb al-Ghayb la-taliyaha diiwaanka boqortooyada, iyo magacaabista Sheikh Khalid bin Abdullah bin Muhammad al-Luhaidan inuu noqdo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Golaha Shuurada ee Sacuudi Carabiya ayaa wuxuu la mid yahay baarlamaanada ka jira dalalka kale, waxaana magacaaba boqorka, go’aamadiisuna ma ahan kuwa kama dambeys ah ee waxay u baahan yihiin ogolaanshaha boqorka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: