Wararka

Turkiga ayaa tababar cusub u bilaabay ciidamo loo tababarayo in ay ka mid noqdaan ciidanka…


Turkiga ayaa tababar cusub u billaabay 450 askari, oo loo tababarayo inay kamid noqdaan Ciidamada Lugta Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Ciidamadan tababarka loo furay ayaa lagu dhaariyay xarunta tababarka ciidamada ee TurkSom ee kutaala magaalada Muqdisho, waxaana loo tababarayaa La-dagaallanka Argagixisada.

Xafladdii tababarka lagu furayay waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sidda ee Soomaaliya iyo howlwadeenada Taliska Ciidanka Soomaaliyeed ee Turkiga.

Waa dufcadii 6aad oo loo tababarayo Ciidanka Lugta. Tababarkaan ayaa la filayaa inuu sii socda illaa bisha march ee sanadka 2021, wuxuuna leeyahay qeybo kala duwan.

Dowladda Turkiga ayaa tababartay saddex meelood meel kamid ah Ciidamada Militariga Soomaaliya, oo lagu qiyaasay tiradoodu inay tahay ilaa 15,000 oo askari.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: