Wararka

M/weyne Farmaajo ayaa ka codsaday Xildhibaanada Golaha Shacabka inay ansixiyaan Golaha…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boggaadiyay Wasiirka Koowaad ee dalka, Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh oo ka shaqayn karta hirgelinta qorsheyaasha hortabinta u leh shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horeeyaan qabsoomidda doorashada, adkeynta amniga iyo sii ambaqaadidda guulihii dhanka dowladnimada ee sanadihii la soo dhaafay la gaaray.

Madaxweyne Farmaajo oo ku ammaanay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda tashiyadii ballaarnaa ee uu kala yeeshay qaybaha bulshada soo xulista Golaha cusub ee Xukuumadda ayaa kula dardaarmay dhammaan Golaha Wasiirada in ay noqdaan mas’uuliyiin ka tarjuma hamiga iyo himalada ay ku qabaan shacabka Soomaaliyeed xilligaan muhiimka u ah dowlad-dhiska iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Rooble, si loo dardargeliyo hawlaha muhiimka ah ee horyaala Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo waqtigeeda ku qabsoomta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyay Golaha Wasiirada ee la magacaabay in uu u fududeeyo mas’uuliyadda adag ee hortaala, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeegga shacabka Soomaaliyeed.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: