Wararka

Taliyaha Booliska ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska…


Alla ha u naxriistee waxaa dalka Ingiriiska caasimaddiisa London ku geeriyooday Taliye kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid(Cabdi Dhibow),oo muddooyinkanba ku sugnaa dalkaasi.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid marxuum Cabdi Maxamed Saxardiid.

“Waxaan halkan tacsi ugu dirayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed iyo Qoyska iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Sareeye Gaas Cabdi Maxamed Saxardiid taliye kuxigeenkii ciidanka Booliska Soomaaliyeed,oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska,waxaana alle uga baryaya in naxriistiisa Janno uu ka waraabiyo”. Ayuu yiri Taliye Xijaar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: