Wararka

Waqtigii loo qabtay in lagu soo magacaabo Guddiga Doorahooyinka oo maanta ku eg…


Waxaa dib u dhac uu ku yimid magacaabidda Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, sababo aan la garaneyn.

Sida qorshuhu ahaa in inta u dhaxeyso 10-20 bishan October ay ahayd in lagu soo magacaabo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, taa oo qayb ka ahayd heshiiskii ay dhawaan Magaalada Muqdisho ku wada gaareen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalmo ka hor warqad furan u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland, taa oo ku xusneyd in la dhaafay mudadii laga suggaayay inay ku soo magacaabaan min labada xubnood ee ku meteli doono Guddiga Doorashooyinka.

Warqadaasi waxaa laga reebay Maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo ay ka dhigan tahay in Maamulka Baydhabo uu soo magacaabay xubnihii laga sugaayay.

Ma cadda sababta aanay maamulada kale u soo magacaabin xubnaha ay tahay inay ku metelaan Guddiga Doorashooyinka, waxaase jira warar sheegaya in Puntland iyo Jubbaland ay qabaan tabashooyin la xiriira dhabaha ay Madaxtooyada Qaranka u mareyso fulinta heshiiskii doorashada.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa 6-dii bishan shuruud ku xiray doorashada lagu wado inay ka dhacdo Gobolka Gedo, isagoona dalbaday in marka hore gobolkaasi laga saaro Ciidamada Dowladda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: