Wararka

Dhaxal sugaha Sacuudiga MBS ayaa dacwad looga furay maxkamad ku taalla Mareykanka…

Hatice Cengiz, the fiancee of slain Saudi journalist Jamal Khashoggi, attends the 16th Zurich Film Festival (ZFF) in Zurich, Switzerland, Friday, Oct. 2, 2020. (Alexandra Wey/Keystone via AP)

Haweeneydi uu ka dhintay saxafigi la dilay Jamal Khashoggi, iyo koox u doodda xuquuqda aadanaha oo uu isaga aas-aasay ayaa Talaadadi shalay maxkamad ku taalla dalka Mareykanka u gudbiyay, dacwad ka dhan ah dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Dacwaddaan oo loo gudbiyay maxkamad rayid ah oo ku taalla magaalada Washington D.C, ayay Khadija Cengiz iyo kooxda Xuquuqda Aadanaha ee Arab World Now ku eedeyneysa Maxamad Bin Salman, inuu amray dilka wariye Jamal Khashoggi, waxaa sidoo kale maxkamadda laga dacweeyay in ka badan 20 muwaadin oo u dhashay Sacuudiga oo dilka loo heysto.

Safaaradda Sacudiga ayaanan wali ka jawaabin dacwadda laga gudbiyay dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Bin Salman. Amiir Maxamed ayaa beeniyay inuu ka danbeeyay dilki lagu khaarijiyay saxafiga u dhashay Sacuudiga Jamal Khashoggi, labadi bishii October ee sannadki 2018-ki.

Khashoggi oo deganaa gobolka Virginia, ayaa maqaallo uu ku dhaliili jiray siyaasadda Maxamed Bin Salman ku daabici jiray, wargeyska Washington Post ee kasoo baxa caasimadda Mareykanka ee Washington D.C.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: