Wararka

Dilaa xabsi daa’in ku xukunnaa ayaa isku dayey inuu ka baxsado xabsi ku yaalla Denmark…


Dalka Denmark waxaa ka dacay fal isku day baxsi oo fashilmay kaas oo uu sameeyay dilaaga xabsi-daa’inka lagu xukumay ee lagu magacaabo Peter Madsen.

Ninkan ayaa sannadkii 2017 waxaa uu dil fool xun oo uu jirkeeda ku jarjaray ugu geystay gudaha doon gujis ah (kuwa quusa) oo uu gacantiisa ku sameystay saxafiyad Kim Wall oo u dhalatay dalkaasi swedan taas oo damacsaneyd in ay warbixin ka sameyso ninkan iyo doontiisa.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu kufsi u geystay ka hor in uusan dilin.

Meydka gabadhan ayaa waxaa muddo kadib laga helay badda hoosteeda isaga oo bir culus ku xiran islamarkaana aan laheyn gacmo, lugo iyo qoor.

Wali ma cadda qaabka uu uga soo baxsaday xabsiga iyo cidda u fududeysay, balse wararka ayaa sheegaya in uu watay bastoolad macmal ah iyo suunka qaraxa oo macmal ah.

Shan mirir ayaa la sheegay in uu bannaanka joogay ka hor inta aan dib loo qaban.

Booliska gaarka ah oo ninkan soo qabtay ayaa waxaa ay sidoo kale qabteen nin uu isku dayay Madsen in uu raaco gaarigiisa kaas oo lagu sheegay in uu ajnabi yahay.

Sannadkii 2018 ayaa waxaa lagu xukumay xabsi daa`in.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: