Wararka

Kulamadii UEFA Champions League 2020/21 ayaa xalay la ciyaaray sideed kulan oo qaarkood adkaa…


Bilow kulul ayey ku bilowdeen kulamadii heerka guruubyada ee UEFA Champions League, waxaa la qabtay sideed kulan Talaadadii, kuwa ugu caansanaa waxaa ka mid ahaa guushii Juventus ee Dynamo Kiev 2-0, Barcelona oo 5-1 ku garaacday Ferencvaros, iyo Manchester United oo 2-1 kaga badisay Paris Saint Germain, halka Chelsea ay barbaro 0-0 ah la gashay Sevilla.

Garoonka Camp Nou, Barcelona wax dhib ah kalama kulmin inay 5-1 ku garaacdo kooxda reer Hungary ee Ferencvaros, si ay ugu hogaamiso Group-ka 7aad farqiga goolasha ee Juventus.

Ciyaarta ayaa waxaa kaarka cas loo taagay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona ee Gerard Pique daqiiqadii 68-aad.

Guruubka 8aad, Manchester United waxa ay la soo laabatay guul qaali ah oo 2-1 ay ka gaartay Paris Saint-Germain, si ay u soo gasho kaalinta labaad ee guruubka, halka Leipzig oo 2-0 ku garaacday Istanbul Basaksehir.

Group-ka 5aad Seville ayaa la soo laabatay dhibic qaali ah oo goolal la’aan ah oo ay la gashay Chelsea, iyo Rennes, oo reer France ah, oo gurigooda ku barbareysay 1-1 kooxda Krasnodar oo reer Russia ah.

Kooxda Talyaaniga Lazio ayaa hogaamiye ka ah Guruubka Lixaad kadib markii ay 3-1 uga badiyeen kooxda Borussia Dortmund.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: