Wararka

Bankiga dhexe ayaa beeniyey jiritaanka in dacwad laga gudbiyey bankiyada gaarka loo…


Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku beeninayo jiritaanka in dacwad laga gudbiyay bankiyada gaarka loo leeyahay ee kuyaala Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta bankiga dhexe waxay sheegeen in saxaafadda looga been abuurto qaar kamid ah bangiyada dalka, inkastoo bangigu uusan caddayn waxa ay tahay been abuurka laga sameystay.

Hadalka Bankiga ayaa kusoo aadaya warbixin dhawaan lagu daabacay wargeyska New York Times, taasoo ku saabsanayd in ururka Al-Shabaab dhaqaalaha kasoo gala canshuuraha ay ku kaydsadaan bangiyada maxalliga ah ee kuyaala Soomaaliya.

New York Times oo soo xiganaysay nuqul kamid ah warbixin ay diyaariyeen guddi katirsan Qaramada Midoobay oo baaritan ku sameeyay lacagaha Al-Shabab kasoo gala cashuuraha, ayaa waxaa warbixinta kasoo muuqday Salaam Somali Bank oo warbixinta lagu sheegay inuu yahay bankiyada maxalliga ah ee Shabaabka dhaqaalaha ku kaydsadaan.

Balse, warbixinta laguma xusin wax dambi ah ama dacwad ah oo loo haysto bankiga iyo mas’uuliyiinta madaxda ka ah. Balse, qaar kamid ah baraha bulshada, ayaa lagu faafiyay in bankiga lagu helay inuu taageero argigixisada, dacwadna ay ku socoto.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: