Wararka

Guddiga soo xulaya Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle oo Jowhar ka wada xareynta…


Guddiga Farsamada ee soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa Magaalada Jowhar ka wada xareynta Odayaasha Dhaqanka, ee looga fadhiyo inay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka cusub.

Inta badan Odayaashii Dhaqanka ee maalmahaanba gaaraayay Magaalada Jowhar ayaa lagu xareeyay dhisme ku dhow Xarunta Madaxtooyada Hirshabelle, iyadoona loo sameynayo aqoonsiyo.

Ciidamada amniga ayaa adkeeyay ammaanka dhismahaasi, waxaana ciidamada lagu arkayaa dhammaanba wadooyinka soo gala daartaasi.

Magaalada ayaa waxaa gaaraya musharaxiinta daneynaysa inay ka mid noqdaan Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle, waxaana magaalada laga dareemayaa diyaargarow doorasho.

Xildhibaanada Baarlamaanka uu xilligoodu dhammaaday ayaa sidoo kale waxay xusulduub ugu jiraan, sidii ay markale Baarlamaanka cusub uga soo dhex muuqan lahaayen.

Xildhibaanadii hore iyo musharaxiinta gaareysa Xarunta Hirshabelle ayaa magaalada ka bilaabay kulamo gaar gaar ah, oo ay la qaadanayaan Odayaasha Dhaqanka.

Marka Odayaasha Dhaqanka ay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka xigga cidda keliya ee ka xaqiijin doontaa waxaa weeye Guddiga Farsamada.

Guddiga Farsamada waxay shaqadoodu tahay fududeynta iyo inay aqoonsiyada u sameeyaan xubnaha ay odayaasha u soo xulaan inay kuraasta beelahooda ku metelaan Baarlamaanka 2aad.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: