Wararka

Labo haween oo Muslimiin Faransiis ah oo ka soo jeeda Algeria ayaa lagu weerary bartamaha Paris…


Iyadoo la tixraacayo olole ay mas’uuliyiinta Faransiisku ku qaadeen shakhsiyaadka iyo ururada Islaamiga ah iyagoo ku marmarsiyoonaya inay la dagaallamayaan “xagjirnimada” ka dib dilkii macallinka, waxaa la arkay weeraro iyo hanjabaadyo ka dhan ah Muslimiinta iyo Masaajidda xilliyadan dambe.

Booliska iyo xeer ilaaliyaha Paris ayaa waxay xaqiijiyeen in baaritaan la furay oo isku day dil ah, kadib markii labo haween Muslimiin Faransiis ah oo asal ahaan ka soo jeeda Algeria mindi lagu weeraray agagaarka Eiffel Tower, waxaana weerarka geystay laba haween oo Faransiis ah.

Weerarku wuxuu dhacay fiidnimadii Axada ee la soo dhaafay, laakiin mas’uuliyiintu ma aysan soo saarin wax hadal ah oo tilmaamaya arrinta weerarka ku saabsan wixii ka horreeyay Talaadadii, taasoo dhalisay caro weyn oo ka timid dadka ka faallooda baraha bulshada, maadaama sawirada fal dambiyeedka goobtaasi lagu faafiyay.

Sida ku cad faahfaahinta ay daabacday saxaafadda Faransiiska, labada haween ee Muslimiinta ah ee Kenza (49 jir) iyo inaadeerteed Amal – oo dhawr sano ka yar – ayaa lagu weeraray carruurtooda hortooda xilli ay marayeen hareeraha Eiffel Tower.

Arrinta ayaa ku bilaabatay muran iyo aflagaado cunsurinimo ah oo ay ku kacaan labada haween ee laga shakisan yahay markii ay ku sii daayeen eeyahoodii halka qoyskaas joogeen, ka dibna waxay bilaabeen inay si isdaba joog ah u mindiyeeyaan iyagoo qeylinaya, “Ku noqo dalkaagii,” iyo “Carabyahay wasakhda ah.”

Kenza oo lix jeer lagu dhuftay mindi ayaa waxaa loo qaaday Isbitaalka, waxaana la ogaaday inay mindida ay dalool ka sameysay sambabka, halka gacmaha Amal lagu fuliyey qaliin.

Dacwad oogaha Paris ayaa xaqiijiyay xariga laba haween ah – oo aan magacyadooda la shaacin – qeybna ka ah baaritaanka lagu soo oogay eedeymaha isku day dil.

Arbacadii, Mu’asasada Al-Azhar ee dalka Masar waxay soo saartay bayaan ay si adag ugu cambaareyneyso weerarka lagu qaaday labada haween, waxayna ku tilmaamtay “dhacdo argagaxiso oo aad u foolxun”.

Al-Azhar waxay xaqiijisay “mowqifkeeda runta ah oo diidaya weeraradan waxashnimada ah, iyo dilalka oo dhan, iyadoon loo eegin diinta dembiilaha ama dhibanaha,” waxayna ugu baaqaysaa qof walba inuu qaato “isla mowqifkan diidmada iyo cambaareynta ah dhammaan hawlgallada argagixisada iyadoon loo eegin diinta dambiilaha ama dhibanaha.”

Bayaanka ayaa carrabka ku adkeeyay in ” falcelinta aan isku midka aheyn ee wax ka qabashada dhacdooyinka argaggixiso lagu dabaqayo diinta qofka falka geystay ay tahay arrin ceeb ah, waxayna abuureysaa jawi neceyb ah ah oo u dhexeeya dadka raacsan diimaha.

Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Gudaha Gerald Darmanin wuxuu sheegay inuu ka codsaday maamulka maxalliga ah in la dhigo Masaajidda magaalooyinka Bordeaux iyo Bezier (koonfur-galbeed) boolis ilaaliya ka dib markii ay la kulmeen hanjabaado ama rabshado.

Wasiirka ayaa Arbacadii ku qoray Twitter-ka in “ficilada noocan oo kale ah aan laga aqbali karin dhulka Jamhuuriyada.”

Raadiyaha “France Blue” ayaa ku soo warramay goor dambe oo fiidnimadii Talaadada ah in Masaajidka Al-Raxma ee magaalada Bezier ay dacwad u gudbiyeen bilayska ka dib markii ay heleen farriimo nacayb ah dhanka Facebook, oo ay ku jiraan baaq ah in la gubo Masaajidka.

Idaacadda ayaa soo bandhigtay farriin lagu qoray Facebook – oo markii dambe la tirtiray – oo ku baaqeysay in lagu sharfo macallinka Faransiiska ah ee Jimcihii lagu dilay gubidda Masaajidka Bezier.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: