Wararka

Madaxa FBI-da Mareykanka ayaa sheegay in dowladaha Iran iyo Ruushka ay isku dayayaan inay…


Madaxa FBI-da ee Mareykanka John Ratcliffe oo shir jaraa`id qabtay xalay ayaa sheegay in dowladaha Iran iyo Ruushku ay isku dayayaan in ay farageliyaan doorashada madaxtenimo ee dalkaasi ka socota.

Sarkaalkan ayaa sheegay in ay heleen waraaqo hanjabaad ah oo loo diray cod-bixiyayaasha xisbiga Dimuquraadiga kuwaas oo loogu hanjabayo in ay doortaan madaxweyne Donald Trump.

Waraaqahan ayaa laga dhigay in ay soo dirayaan uruka cunsuriga ah ee Proud Boys kaas oo taageera madaxweyne Donald Trump.

Hanjabaada ayaa u dhigan sidatan: ” Waxaad dooraneysaa Trump maalinta codbixinta, haddii kale waan kaa takhluuseynaa”.

John Ratcliffe ayaa si toos ah ugu eedeeyay dowladda Iran in ay ka dambeyso hanjabaadan.

“Waxaan uga digeynaa bulshada in aan hayno xog ku aadan in dowladaha Iran iyo Ruushku ay faragelin ku hayaan doorashada”, ayuu ku yiri shirka jaraa’id John Ratcliffe.

Waxa uu intaa raaciyay John Ratcliffe in labadan dowladood ay heleen xogta qaar ka mid ah cod-bixiyayaasha.

Iran ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay soo dirtay hanjabaadyo kale oo muuqaal iyo qoraallo isugu jira kuwaas oo ay ku khal-khalinayaan doorashada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: