Wararka

RW ku xigeenka iyo Marwada Koowaad ee Somalia ayaa kulan la qaatay M/weyne Museveni…


Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee Dalka Marwo Seynab Cabdi Macalin oo ku sugan dalka Uganda ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Yoweri Museveni.

Kulankaas oo ka dhacay Madaxtooyada Uganda ayaa ahaa mid soo dhaweyn ah oo lagu soo dhaweynayay wafdiga ka socoda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu wado inuu ka qeyb galo Munaasabada lagu furayo shirkad balaaran oo soo saarta sokorta.

Shirkadan oo ay leedahay Haweeney Soomaliyeed oo ganacsi balaaran ku leh dalalka Bariga Afrika ayaa lagu wadaa in Maalmaha soo aadan laga furo dalka Uganda.

Wafdiga uu horkacaya Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyada Federalka Soomaliya Mahad Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Marwada kowaad ee dalka Marwo Seynab ayaa qeyb ka ah wafuud ka kala timid caalamka oo wax ka furaya Warshadda sokorta.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: