Wararka

Xiisad ayaa la sheegaya inay ka taagan tahay xadka Degmada Beled Xaawo la wadaagto Mandhera…


Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka ay xiisad ka taagan tahay xuduuda Degmada Beled Xaawo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Xiisaddaan ayaa daba socoto israsaaseyn xalay xadka ku dhex martay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Kenya, ee ku sugan xuduuda Degmada Mandhera.

Wararka ayaa sheegaya in laba diyaarad oo nooca qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalka Kenya, ay saaka dul heehaabayaan xadka, gaar ahaan qaybta Mandhera.

Ciidanka Xoogga Dalka oo ay kaabayaan Kumaandooska Gorgor oo haysta hubka lidka diyaaradaha ayaa iyana ku sugan xuduuda, gaar ahaan qaybta Beled Xaawo.

Sarkaal Ciidanka Xoogga Dalka oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Universaltv u sheegay inaanay iyagu ku xadgudbi doonin xuduuda Kenya, haddiise lagu soo xadgudbo qaybta Somaliya ay ka jawaabi doonaan.

Xiisaddaan ayaa dareen ku dhalisay shacabka ku dhaqan labada degmo, kuwaa oo iminka ka baqdin qaba in lagu dul dagaalamo.

Xiriirka Dowladaha Somaliya iyo Kenya ayaa muddooyinkii ugu dambeysay xumaa, mana muuqato door diblomaasiyadeed oo ay labada dowladoodba xal ugu raadinayaan xiriirkoodaan sii xumaanaya.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: