Wararka

Guddiyadii wadajirka ahaa ee Libya ayaa maanta saxiixay heshiis xabad joojin rasmi ah oo laga…


Wufuudda Guddiga Wadajirka ah ee Milatariga Liibiya ayaa maanta oo Jimce ah ku kala saxiixday magaalada Geneva heshiis ku saabsan xabad joojin rasmi ah oo laga hirgeliyo dhammaan gobollada Liibiya iyadoo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay.

Ku-simaha ergayga Qaramada Midoobay ee Libya, Stephanie Williams, ayaa ku tiri khudbad ay ku jeedisay luqada Carabiga intii ay socotay xafladda saxiixa, “Waxaan u maleynayaa in waxa ay Liibiyaanka ku gaareen Geneva ay ka dhigan tahay guul muhiim u ah dadka.”

Waxay muujisay rajada ay ka qabto in heshiiska uu ku guuleysto in la soo afjaro dhibaatada haysata dadka reer Liibiya isla markaana u suurta geliso barakacayaasha iyo muhaajiriinta inay ku noqdaan guryahooda

Labada wafdi ee saxiixa is dhaafsaday ayaa waxay kala matalayaan xoogagga dowladda caalamiga ay aqoonsan tahay iyo xoogagga jeneraalka howlgabka ah ee Khalifa Haftar.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: