Wararka

Trump ayaa sheegay in dowladaha Sudan iyo Israel ay ogolaadeen inay caadi ka dhigaan xiriirkooda…


Madaxweynaha Mareykanka ayaa ku wargeliyey Aqalka Congress-ka maanta oo Jimco ah inuu liiska dowladaha taageera argagixiada ka saarayo Sudan, kadib markii ku dhowaad 30 sano ay ku jirtay liiskaasi.

Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Donald Trump ayaa sidoo kale laga soo xigtay in labada dowladood Sudan iyo Israel ogolaadeen in ay caadi ka dhigaan xiriirkooda Dibulmaasiyadeed.

Trump ayaa intaa ku darray in sidoo kale uu rajeynayo in bilaha soo socda dowladda Falastiin iyo Saudi Arabia ay hagaajin doonaan xiriirkooda Diblumaasiyadeed ee Israel.

Madaxweynaha dalka Mareykanka oo u ordaya in mar kale xilka madaxweynaha dalka Mareykanka loo doorto ayaa sheegay in uu arrintan ku xaqiijiyay xiriir dhinaca Taleefoonka ah oo uu la yeeshay hogaamiyayaasha labada dal.

Dowladda Sudan ayaa noqoneysa wadankii saddexaad ee Islaam ah oo xiriir toos ah la yeesha Dowladda Israel haddii arrintaasi dhab noqoto labadii bilood ee ugu danbeysay.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: