Wararka

Madaxweyne Farmaajo ayaa isbedel ku sameeyey saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka…


Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamerd Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isbedel ku sameeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, isagoo kuwo Cusub magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xilka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga dalka loogu magacaabay inuu noqdo Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale taliyaha Ciidanka Dhulka u magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, halka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Col. Xuseen Xoosh.

Taliyeyaasha Cusub ee uu magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa maanta si rasmi ah xilalka loogu kala wareejiyay, kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12166 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: