Wararka

Nin dhallinyaro Mareykan ah oo qorsheeyey inuu dilo Biden ayaa laga soo qabtay North Carolina…


Wargeyska The Washington Post ayaa qoray in muwaadin Mareykan ah oo lagu magacaabo Alexander Triesman uu qorsheynayay inuu dilo murashaxa madaxweynaha xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden, isagoo adeegsaday gaari xamuul ah oo ay ka buuxaan hub iyo waxyaabaha qarxa. Wargeysku wuxuu sheegay in tuhmanaha uu degay hoteel qiyaastii 4 mayl u jira guriga Biden ee Delaware.

Waxay sheegtay in dukumiintiyada maxkamada dhexe ee North Carolina ay muujisay in ninkan dhalinyarada ah uu bilaabay dejinta qorshihiisa dilka Musharaxa Xisbiga Dimuquraadiga, laga bilaabo bishii Maarso ee la soo dhaafay, ka dib markii uu weydiiyay baraha bulshada haddii ay dushiisa ahaatay inuu dilo Biden, mas’uuliyiinta dowlada federaalkuna hanjabaadiisa si dhab ah ayay u qaateen.

The Washington Post ayaa sheegtay in Triesman, oo 19 jir ah, uu Biden ka raadiyay cinwaankiisa internetka isla markaana uu hub ka iibsaday New Hampshire (waqooyiga Mareykanka).

Wargeysku wuxuu daaha ka qaaday in booliisku ay bishan ka soo xireen wiilkaan dhalinyarada ah North Carolina, kadib markii laga shakiyay, maadaama uu sitay hub qarsoon iyo kaarar dhowr gobol ah, saraakiisha booliiska ayaa ka helay gaariga xamuulka hub uu ka iibsaday ugu yaraan afar gobol, wuxuuna wax ka qoray sida loo sameeyo waxyaabaha qarxa.

Sida laga soo xigtay Washington Post, qabashada ninkan dhalinyarada ah ma ahan qeybtii ugu horeysay ee hanjabaadaha ka dhanka ah musharaxa xisbiga Dimuqraadiga, sida ay mas’uuliyiintu sheegeen waxay xireen Arbacadii la soo dhaafay nin 42 jir ah oo ka soo jeeda Maryland, oo diray warqad uu ku hanjabayo in uu dilayo Biden iyo ku xigeenkiisa, Kamala Harris.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: