Wararka

Real Madrid ayaa si xarago leh ugu durdurisay kooxda Barcelona ciyaar aheyd El Clasico ee…


Real Madrid ayaa dharbaaxo culus ku dhufatay kooxda ugu weyn ee xifaaltanka kala dhaxeeya horyaalka La Liga ee Barcelona waxayna uga badisay 3-1 guriga Barcelona maanta oo Sabti ah ciyaar aheyd “El Clasico” oo ka mid ah tartanka horyaalka Spain ee La Liga.

Real Madrid ayaa gaartay guul qaali ah, waxay soo ceshatay isku dheelitirkeeda kadib markii ay kala kulantay labo guul daro garoonkooda kooxaha Cadiz oo ka mid ah La Liga Sabtigii la soo dhaafay iyo kooxda Shakhtar Donetsk kulan ahaa Champions League oo la ciyaaray Arbacadii la soo dhaafay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah, iyadoo Real ku hormartay gool dhalinta oo uu u dhaliyay laacibka reer Uruguay Federico Valverde (5), waxaa barbareeyey laacibka da’da yar ee soo ifaya Ansu Fati (8) goolkaasi wuxuu u noqonayaa goolkiisii ​​afaraad ee uu u dhaliyo Barcelona xilli ciyaareedkaan haatan ee ka tirsan horyaalka Spain.

Qeybtii labaad, inkasta oo Barcelona soo bandhigtay ciyaar heer sare iyo fursado u suuragalay oo aan ka faa’ideysan, haddana waxa hogaanka qabatay Real Madrid oo uu rigoore u dhaliyay Sergio Ramos daqiiqadii (63).

Luka Modric oo bedel ku soo galay ayaa laba jibaaray dhibaatada Barcelona isagoo dhaliyay goolka seddexaad daqiiqadii (90).

Real ayaa sare u qaaday dhibcaheeda oo gaaray 13 dhibcood, iyada ayaa keli ku noqotay hogaaminta horyaalka Spain, halka dhibcaha Barcelona ku joogsadeen 7 dhibcood, waxayna ku jirtaa kaalinta 10aad ee kala horeynta, ka dib markii ay la kulantay guuldaradii labaad ee isku xigta ee tartanka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: