Wararka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ogolaaday golaha xukuumada…


Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa goor dhaw cod aqlabiyad ah ku ogolaaday Golaha Xukuumadda cusub ee uu dhawaan soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhamaan Xildhibaannadii fadhiga soo xaadiray oo ay tiradooda dhameyd 188 mudane ayaa si wada jir ah u ogolaaday Golaha Wasiirrada.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo khubad ka jeediyay xarunta Golaha Shacabka ayaa uga mahad celiyay Xildhibaannada codka kalsoonida ah oo ay siiyeen xukuumaddiisa, isaga oo dhinaca kale kula dardaarmay Golaha Wasiirrada in ay gutaan waajibaadkooda Qaran.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: