Wararka

Booliska London iyo banaan baxayaal ka soo horjeeda xanibaada Coronavirus ayaa isku dhacay…


18 qof ayaa lagu xiray bartamaha London iyagoo ka mudaaharaadaya sida loo maray xanibaada ku saabsan ‘Coronavirus’.

Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay banaanka Qasriga Buckingham, halkaas oo booliis ay joogeen kahor inta aysan u dhaqaaqin Fagaaraha Trafalgar.

Dibadbaxayaasha qaar waxay wateen boorar ay ku baaqayaan “xorriyad” iyo in la soo afjaro “kali talisnimada” xaddidaadaha lagu soo rogay “Covid-19”.

Booliska Metropolitan-ka ayaa sheegay in dadkii badnaa la kala diray, laakiin waxay dadka ka codsadeen inay sii wadaan kala fogaanshaha bulshada.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12293 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: