Wararka

Dagaalamayaal ka tirsan al-Shabaab ayaa qabsaday dhowr tuulo oo ka tirsan gobolka Sanaag…


Dagaalmayaal katirsan ururka Al-Shabaab ayaa qabsaday dhowr tuulo oo ka tirsan gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, oo ay sheegtaan maamulka Somaliland.

Tuulooyinka Al-Shabaab qabsadeen waxaa ka mid ah Mirici, Masha-Alled iyo Habasha Aw-Cali, oo 10km uun dhinaca galbeed ka xiga magaalo xeebeedka qadiimiga ah ee Lasqoray oo katirsan gobolka Sanaag.

Dhammaan tuulooyinka ayaa horey waxaa gacanta ugu hayey maamulka Somaliland.

Al-Shabaab ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka waday gobolka Sanaag.

Waxaa aad u adag in macluumaad dheeraad ah laga helo tuulooyinka Al-Shabaab la wareegayaan sababa la xiriira isgaarsiinta oo adag.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12225 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: