Wararka

Feeryahanaka Khabib Nurmagomedov ayaa ka fariistay feerka kadib markii uu guuleystay…


Feeryahanka Khabib Nurmagomedov ayaa gaaray guul weyn kadib markii uu la dagaalay Sabtigii Justin Gaethje islamarkaana uu ka guuleystay.

Khabib ayaa asaga oo ilmeeynaya ku dhawaaqay inuu ka fariistay tartamada feerka, feeryahanka ayaa ka fariistay ciyaarahan isagoo heysta record ah 29-0, taasi oo ka dhigan inaan weligiis laga badin.

Wuxuu yiri ” maanta wuxuu noqonayaa dagaalkeygii ugu dambeeyey, ma dhici doonto inaan ku soo laabto Aabahay la’aantiisa”.

Nurmagomedov Aabihii una ahaa tababarihiisa Abdulmanap ayaa geeriyooday bishii July ee la soo dhaafay, isaga oo u dhintay cudurka Covid-19. Nurmagomedov ayaa sheegay inuu la hadlay hooyadiis seddax beri ka hor inta uusan go’aansan inuu la ciyaaro Gaethje.

Hooyaday ma dooneynin inaan dagaalamo Aabahay la’aantiisa, laakin waxaan u ballan qaaday inuu noqonayo dagaalka iigu dambeeya, sidaa darteed waxaan xijinayaa ballanta Hooyaday aan ka qaaday”.

Dagaalyahankan reer Russia oo 32 jir ah ayaa sheegay inay tani tahay dagaalkii ugu horeeyey ee uu galo Aabahiisa la’aantiisa.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12233 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: