Wararka

Laacibka Marcus Rashord ayaa ku farxay sida bulshada uga jawaabeen olole cunto bilaash lagu…


Kubad sameeyaha laacibka Marcus Rashford ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu yahay British, kadib markii bulshada ay kajawaabeen olole uu bilaabay oo ah in cunno bilaash ah la siiyo caruurta inta lagu jiro fasaxa bartamaha.

Golayaasha deegaanka iyo shirkaduhu waxay u fidiyeen inay siiyaan cunto inta lagu jiro fasaxa qof walba oo xaq u leh cuntooyinka bilaashka ah ee dugsiyada.

Weeraryahanka reer England ayaa u sheegay barnaamijka BBC-da ee “Newsnight” in taageerada ay ku riday “dareen xad dhaaf ah”.

Tani waxay timid ka dib markii baarlamaanka Ingiriiska uu diiday soo jeedintii xisbiga shaqaalaha ee ahayd in la kordhiyo helitaanka cuntada iskuulka ee bilaashka ah inta lagu gudajiro cudurka safmarka ah ee Covid-19.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12283 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: