Wararka

Maareeye ayaa ciyowba eedeyn ku bilaabay wasiiro ka tirsan xukuumada RW Rooble…


Wasiirka hore ee warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ahna xildhibaan katirsan Barlamaanka Aqalka Hoose, ayaa ku eedeeyay wasiirro katirsan xukuumada Ra’iisal wasaare Rooble iyo xog-hayntiisa in ay faro galin ku billaabeen xulista guddiyada doorashooyinka wakiiladda Somaliland.

Xildhibaan Maareeye oo xubin ka ah guddi loo magacaabay qaban qaabada doorashada xildhibaanada Gobolada Waqooyi, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in wasiiradda u yimid uu mid walbaa wato liis u gaar ah uu ku saabsan magacaabidda guddiyada doorashooyinka wakiiladda Somaliland.

Maareeye wuxuu sheegay isaga iyo xubno siyaasiyiin ah inay Ra’iisal wasaaraha ka codsadeen in aan lasoo faro galin doorashada xildhibaanada ka socda Somaliland ee lagu dooranayo Muqdisho.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kamid ah wasiiraddii kasoo muuqan waayay xukuumada cusub ee shalay Barlamaanku meel mariyay, ayaa hadda xusul duub ugu jira inuu mar kale kamid noqdo Barlamaanka soo socda.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12256 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: