Wararka

Maxamed Cumar carte ayaa la sheegayaa inuu gaaray magaalada Hargeysa kadib markii uu cafis…


Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa lagu waramayaa in uu gaaray magaalada Hargeysa kadib markii uu cafis ka helay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi ayaa cafis u fidiyey Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo doonayay inuu dib ugu laabto magaalada Hargeysa.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu cafis u fidiyay Maxamed Cumar Carte, isla markaana uu tixgeliyay Codsiga uga yimid oo ah inuu Aabihiis oo caan ka ah Somaliland uu xanuunsan yahay.

Maxamed Cumar Carte oo ka mid ahaa xildhibaanada baarlamaanka Dowlada Federalka ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkaas.

Cumar Carte Qaalib oo ah aabaha dhalay Maxamed Cumar Carte ayaa ku xanuusanaya magaalada Hargeysa, waxana uu hore uga soo qabtay xilal kala duwan dowladihii hore u soo maray dalka.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12293 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: