Wararka

Maxkamada Ciidamada ayaa ku ridey xukunno kala duwan raggii ka dambeeyey weerarkii xabsiga…


Maxkamada Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ku ridey illaa 11 ruux oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen weerarkii ka dhacay xabsiga dhexe 10kii August ee sanadkan.

Raggan la xukumay ayaa waxaa ka mid ah Mubarak Ibraahiim Iidle oo hore ugu xukunaa 10 sano oo xabsi ciidan ah ayaa ahaa qofka dilay Maxamed Yusuf Tooxow iyo Muqtar Cabdullaahi Muuse oo ka tirsanaa ciidamada amniga kadibna ka baxsaday dhabarka dambe ee xabsiga.

Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) oo isaga ahaa dadkii loo xiray lacaga Online ka ah ee Soomaali badan ku khasaaray waxa uu ahaa qofka sida gaarka ah Maxaabiista kaga iibiya khudaarta laakiin mid kamid ah raggi qorsheeyay weerarka uu soo dhex marsiistay hubkiisa.

Sidoo kale maxkamada ayaa waxaa ay xukun ku ridey qaar ka mid ah Ciidamada Asluubta oo xilligii uu weerarku dhacayay ka mid ahaa ciidamada howsha xabsiga hayey.

1-Mubarak Ibraahiim Iidle waxaa lagu xukumay dil-toogasha ah isaga oo maqan

2-Cabdullaahi Macalim Xuseen, 3-Maxamed Daahir Maxamed 4-cabdi Jire Yusuf waxaa lagu wada xukumay Min 5-sano oo xabsi Ciidan ah iyo ka saaridda Ciidamada Asluubta oo ay ka wada tirsanaayeen.

5-Cali Barre Cali Maxamed oo ka tirsan Asluubta ayaa isna lagu xukumay 3-sano oo xabsi Ciidan ah.

6- Maxamuud Nuur Isaaq (Forex) ayaa lagu xukumay 5-sano oo xabsi ciidan ah.

7-Maxamed Nuur Maadeey, Maxamed Maxamuud Mataan, Cumar Xasan Abtidoon iyo Isaaq Geedi Ibraahim oo Iyana kawada tirsanaa Asluubta ayaa lagu xukumay min 6-bil oo xabsi Ciidan ah halka dambi lagu waayay Cabdi Axmed Maxamuud oo ka tirsanaa Ciidamada Asluubta.

Xukunsanayaasha ayaa haysta fursad ay ku dalban karaan Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12297 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: