Wararka

Izzat Ibrahim al-Douri oo ahaa ku-xigeenkii Saddam Hussien ayaa la sheegay inuu geeriyooday.


Xisbiga Al-Baath Party ee hantiwadaaga Carabta ee Ciraaq ayaa ku dhawaaqay geerida xoghayihii guud, Izzat Ibrahim al-Douri, asagoo jira 78 sano, iyagoon cadeynin duruufaha ku xeeran geeridiisa.

Al-Douri wuxuu ka mid ahaa hogaamiyayaashii maamulkii hore ee Ciraaq, wuxuu ahaa madaxweyne ku xigeenkii marxuum Saddam Hussein markii uu xukunka la wareegay 1979, ilaa iyo weerarkii Mareykanku ku qaaday Ciraaq 2003.

Bayaan uu soo saaray Xisbiga Al-Baath ayaa ka baroor diiqay geerida hogaamiyahooda, oo sheegay, “Dhulkii Ciraaq, dhulkii isku xirnaanta iyo Jihaadka, maanta waxaa ka baxay geesigii Baath oo lahaa astaan geesinimo iyo naf hurnimo.

Al-Douri wuxuu qabtay jagada kuxigeenka madaxa Golihii Taliska Kacaanka, ka horna, dhowr jago oo heer sare ah, oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Beeraha.

Kadib duulaankii Mareykanku ku qaaday Ciraaq 2003, Al-Douri waa la waayey, Xisbigii Baath ee Ciraaq wuxuu shaaciyey inuu la wareegay jagada Xoghayaha Guud ee xisbiga, isagoo bedelay Saddam Hussein kadib dilkiisii ​​2006.

Waqtiyo kala duwan tan iyo markaasi waxaa la soo dirayey cajalado maqal iyo muuqaalba ah oo loo tirinayey Al-Douri, muuqaalkii ugu horeyey ee uu ka soo muuqdo ayaa ahaa bishii April 2012 xuska sanadguuradii 65aad ee aasaaskii Xisbiga Baath.

Warbixinnada warbaahintu waxay muujisay in al-Douri uu hoggaaminayo urur hubaysan oo la yiraahdo “Dhaqdhaqaaqa Naqshbandi”.

Mareykanka wuxuu dul dhigay $ 10 milyan qof kasta oo keena macluumaad kasta oo horseedi kara in la xiro ama la dilo Al-Douri, wuxuu ka mid ahaa dadka sida weyn loo doondoonayo.

Shabakada Wararka, hagaag.com info@hagaag.com

About Admin (12293 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: